Soomaali Sucuudiga ku Xanibnayd oo Dalka Dib Loogu Soo Celiyay

Published: May 30, 2020

Diyaarada Daallo oo sida 132 Mawaadiniin Soomaali ah oo muda ku xayirnaa dalka Sacuudi Carabiya ayaa xalay ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Mawaadinidiin caawa diyaaradu keentay waxa ay u badnaayeen haween iyo caruur waqti dheer sugayay in dib dalkooda loogu soo celiyo, waxaana safarkooda soo noqoshada saameeyay cudurka safmarka ah ee dunida oo idil kala xeray ee Covid19, waxaana dalkaasi ku haystay dhibaatooyin kala duwan.

Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dowladiisa oo ka duulaya dhibka haystay mawaadiniinta ayaa amray soo daad gureynta dadkani oo u badan kuwa nugul

Maalmaha soo aaddan waxaa dalka Sacuudiga ka imaan doono ilaa afar duulimaad oo kale oo sida mawaadiniin kale.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *