10 Qof oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Published: May 31, 2020

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay qarax miinow Saaka ka dhacay Laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan deegaanka Xaawa Cabdi.

Gaari noociisu yahay Hoomeey oo ka yimid dhinaca degmada Afgooye kuna soo jeeday magaalada Muqdisho ayuu  qaraxa ku haleelay laamiga hor mara isbitaalka Xaawo Cabdi ee duleedka muqdisho.

Qaraxan gaariga shacabka haleelay ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen 10-qof oo kamid ahaa rakaabkii gaarigaasi la socday,halka tiro kale oo aan badaneen ay dhaawacmeen.

Dadka qaraxa ku dhintay ayaa la sheegay in ay u badnaayeen ganacsato qudaarta ka ganacsata, mana jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada qaraxan dadka badan ee shacabka lagu laayay.

Qaraxyada miino ee lagu aaso hareeraha laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye ayaa mararka qaar waxa uu haleelaa gaadiidka dadweynaha iyo sidoo kale gaadiidka yar yar ee wataan dadka shacabka ah.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *