Gobolka Banaadir oo Aqalka sare ka heli doonta 7 Xildhibaan oo cusub?

Published: May 31, 2020

Guddiga Diyaarinta Dhamaystirka Hanaanka Doorashooyinka Qaranka ayaa soo gabayabeeyay shaqadii loo direy. Guddigan ayaa loo direy in ay ka soo talo bixiyaan afar xeer kuwaas oo kala ahaa.

  • Iswaafajinta Xildhibaanka iyo deegaanka laga soo dooranayo
  • Xildhibaanada Somaliland ka imaanaya
  • Qoondada haweenka
  • iyo metelaada gobolka Banaadir

Guddiga ayaa soo jeediyey in Gobolka Banaadir loogu daro Aqalka Sare 7 Xildhibaan taas oo tirada guud ee Aqalka sare ka dhigi karta 61 Xildhibaan, guddigu waxay ku dareen in 7 Xildhibaan lagu qaybiyo nidaamka 4.5 maadaama Muqdisho ay tahay Caasimadda Soomaaliya.

Kordhinta tirada kuraasta Aqalka sare ayaa u baahnaan doonta in dastuurka aan weli aftida dadweyne lagu asnixin wax laga beddelo.

Qodobada kale ee ay soo jeediyeen waxaa kamid ah in Kuraasta Somaliland ama gobolada Waqooyi lagu doorto mar kale magaalada Muqdisho.

Sanadkii 2016 ayaa Dowladda Xasan Sheekh hor istaagtey in Aqalka sare kuraastiisa lagu qaybsado 18 gobol, taas oo gobolkastaa heli lahaa saddex Xildhibaan, waxaana beddelkeedi lagu qaybiyey Dowlad goboleed. Gobolka Banaadir ma ahan Dowlad goboleed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *