Deni ” Waan soo dhawaynaynaa Hadalkii RW Xasan Khayre ee la xiriira qabsoomida doorashada”

Published: June 2, 2020

Saciid Cabdilaahi Deni Madaxweynaha Puntland ayaa soo dhaweeyay hadalkii uu golaha wasiirada u jeediyay Raysal-wasaaraha DFS xasan Cali Khayre kaas oo la xiriira in la qabanayo doorashada Waqtigeeda.

Deni waxa uu sheegay in arinkaas uu ahaa midkii ay horay ugu baaqayeen, sidoo kalena waxa uu ka digay in la qabto doorasho ku salaysan waxqaybsigga beelaha kaas oo uu tilmamey in horay dawladii Puntland iyo Madaxdii hore ee dawladan ka horaysay ay ugu heshiiyeen.

Ugu danbayn waxa uu ku baaqay in hadalkii Raysal Wasaare Khayre laga dhabeeye oo si ficil ah loo bedelo, sidoo kalena waxa uu sheegay in Puntland masiirkeeda aysan ka talin karin Xildhibaanada iyo golayaasha matal ee mudada kooban ay waqtigga xilhayntooda uga dhiman-tahay.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *