DFS oo bilawday fulinta qorshayaasha la xariira u diyaargarawga Doorashada Soomaaliya.

Published: June 2, 2020

Shirka Guddi hoosaadka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho, waxaan aksoo qaybgalay madaxda tubta siyaasada ee xafiiska RW, Gudigga doorashooyinka, wasiiro ka tirsan dawlada iyo masuuliyiin kale.

Waxaa laga dooday sidii loo bilaabi lahaa fulinta qorshayaasha la xiriira sidii doorashada dalka xiligeeda loogu qaban-lahaa, waxaan shirkaan gudoominayay RW ku xigeenka DFS Mahdi Maxamed Guuleed.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibrahim (Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay in ay guddigu diyaariyeen tallaabooyinka farsamo ee laga sugayay guddiga si loo hirgeliyo doorasahada. shirkaan inta uu socday waxaa laysla soo qaaday talaabooyinka degdegga ah ee loo qabo wada tashi loo dhanyahay oo ay yeeshaan dowladda Federaalka iyo dhammaan dowlad goboleedyada, si loo hirgeliyo doorasho loo dhan yahay oo xilligeeda ku qabsoonta.

Xubnaha guddiga ayaa si wadajir ah hoosta uga xarriiqay muhiimmadda ay leedahay in la helo heshiis siyaasadeed oo gogosha u xaara in loo gudbo arrimaha farsamo ee doorashooyinka, kadibna loo soo bandhigo qorsho cad oo waqtiyeeysan. Wasaarraddaha Amniga, maaliyadda iyo arrimaha gudaha ayaa iyana soo bandhigay qorshaha uga aaddan doorshooyinka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *