Khilaafkii Madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa maxaa lagu xaliyey?

Published: June 2, 2020
Sawir la qaadey kadib shirka Madaxtooyada ka dhacay ee lagu xalinaayey khilaafka Madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa

Shirguddoonka Baarlamaanka ayaa u istaagey in ay xaliyaan khilaaf adag oo kala dhex galay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa, khilaafkaas oo gaarey warbaahinta , khilaafka ayaa gaarey in warqado iyo is-burinaaya ay ka soo baxaan labada dhinac.

Shir guddoonka ayaa ugu horreyn arrinta ka bilaabey Ismiada Puntland waxaana ay u sheegeen in aysan keligood ku filneyn ee loo baahan yahay in Isimada hawsha la galaan, waxaana kamid ahaa Isimada kala qaybqaatey Islaan Ciiise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Ugaas Maxamuud.

Isimada iyo shir guddoonkooda ayaa ugu horreyn Madaxweyne ku-xigeenka Puntland kulan la qaatey, kadib qodobada uu soo gudbiyey ayaa loo saarey cid garanaysa sharciga si ay uga soo talo bixiyaan, Ismiada iyo shirguddoonku ayaa shir la qateen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni maalintii Isniinta, waxaana shirkaas lagu ballamaey in maanta oo Talaado ah la isugu yimaado xarunta Madaxtooyada iyada oo Deni iyo Karaashba ka soo qaybgalayaan.

War ka soo baxay shirka ayaa Warbaahinta Madaxtooyada Puntland sheegtey sidan:

Waxaa lagu guuleystay in meesha laga saaro kala aragti duwanaan dhinaca maamulka iyo shaqada ah oo u dhexeysay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dhex-dhexaadinta sameeyey, ee Ismimada, ma jiro wax qoraal ah oo ka soo baxay dhanka Madaxweyne ku xigeenka.

Sidaas darteed waxa keliya ee laga og yahay ayaa ah in gacmaha la isa saarey, khilaafka meel la iska dhigo lagu heshiiyey, wada jirka Puntland laga shaqeeyo, Waxaa la is weydiinayaa sida laga yeelayo waxyaabihii kalifey khilaafkan oo soo noqnoqdey waxaana kamid ah, qodobo dastuuri ah iyo sharci in la isku hayo.

Labada dhinacba horey waxay u sheegeen in sharciga lagu shaqeeyo lagu kala baxo, maadaama dowlad la yahay.

Waxaa muuqata in weli Puntland ay ku jirto xiliiyadii Ismadu u garqaadi jireen oo xalin jireen khilaafyada halkii sharciga iyo dastuurka la dhigtey loo hoggaansami lahaa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Sharciga iyo dustuurku ma quraan baa mee kitaabkii ilaahey.
    Umadeenu kama baxeyso dhibka iyo jahwareerka ilaa alle loo noqdo