Madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa oo la isu keenay si xaliyo khilaafkooda

Published: June 2, 2020

Marki u horeysey muddo bil ka badan ayaa la isku keenay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Karaash si loo xaliyo wada shaqeyn xumo iyo khilaaf ku dhex jirey muddooyinkii u danbeeyey.

Shir-guddoonka Baarlamaanka oo kaashanaya qaar kamid ah Isimada Puntland ayaa saddexdii maalmood ee u danbeysey u kala dabqaadey labada dhinac, waxaana ay ugu danbeyn ku guuleysteen in maanta oo Salaasa ah la isa soo horfariisiyo labada dhinac, sida ay sheegayaan warar xog-ogaal laga soo xigtey.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa horey u xaqiijiyey khilaafka, waxaana uu sheegay in aysanba salaanta iska qaadin.

Khilaafka ugu badan ee Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ku dhex jira ayaa ah shaqada iyo waajibaadka. Axmed Karaash ayaa tirsanaya in waajibaadka dastuurku siinayo uu ka hortaagan yahay Madaxweyne Deni,

Madaxweynaha ayaa dhankiisa ku eedeynaya in Axmed Karaash u gacan dhaafo shaqooyinkiisa, sidoo kale uu soo saaro wareegtooyin burinaya kuwo isagu soo saarey.

Lama oga waxa Isimadu ay ka yeeli doonaan magacaabistii u danbeysey ee Madaxweyne Deni sameeyey isaga oo sheegay in uu la tashtey Madaxweyne ku-xigeenka, halka Axmed Karaash sheegay intaasi aysan jirin, waxaana la aaminsan yahay in ay udub dhexaad u tahay khilaafka odoyaasha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *