Cudurka Covid-19 oo si ba’an ugu sii faafaya dalalka India iyo Brazil

Published: June 3, 2020

Dowlada India ayaa maanta oo Arbaca ah sheegtay in tirtada dadka la xaqiijiyey in cudurkan uu ku dhacay ay ka badan tahay 200-kun qof, waxaana la filayaa in tirada rasmiga ah ay intaasi sadex jibaar ka badan tahay.

Tirada cudurkan u dhimatay ayaa ka badan 5,815 ruux, waxaana la filayaa in tiradan si kororto labada bilood ee soo socoda. Dalka India hada kaalinta 7aad uga jira wadamada uu cudurkan sida xawliga ah ugu faafayo.

Dhinaca kale dalka Brazil ayaa isaguna hada galay kaalinta 2aad ee wadamada cudurkan la tacaalaya, waxaana hada la xaqiijiyey in cudurka uu ku dhacay in ka badan 558.237 qof, waxayna tirada dhimashada hada mareysaa in ka badan 30.000 ruux.

Maraykanka, ayaa weli ah dalka ay ku sugan yihiin tirada ugu badan ee dadka cudurkan u jiifa, waxaana Fayruskaasi laga helay in ka badan 1.881.256 qof, halka tirada dhimashada Maraykanka ay mareyso 108.062 ruux.

Soomaaliya, ayaa hada ah wadanka 92aad ee cudurkan laga helay iyadoo inta la xaqiijiyey cudurkan uu ku dhacay in ka badan 2-kun qof, walow tirada rasmiga ah la filayo inay aad intaas uga badan tahay maadaama aan shacabka intiisa badan la baarin, halka dhimashadu ay gaareyso ugu yaraan 79 qof.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *