Muqdiso: Booliska Oo Sheegay inay Fashiliyeen Qarax La Galiyay Wado Muhiim ah

Published: June 3, 2020

Ciidamada booliiska magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa miino baarista ayaa sheegay qarxiyeen miino lagu aasay laamiga hor mara Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed qeybta Gaheyr ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaan ayaa la sheegay in ay arkeen dad ka agdhawaa halka lasoo dhigay, waxaana ciidamada booliiska oo lagu wargaliyay qaraxaan ay xireen laamiga iyagoona mudo kadib ku guuleestay in si nabad galyo ah ay u qarxiyaan.

Ma jiro wax khasaaro ah oo ka dhashay qaraxaan miino ee goordhaw la qarxiyay , waxaana qaraxa markii ay fashiliyeen ciidanka booliiska shacabka u ogolaadeen in ay laamiga isticmaalaan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *