USA: Booliiska oo xabsiga dhigay dad badan iyo Banaanbaxyada oo sii socda – SAWIRO

Published: June 3, 2020

Booliiska Maraykanka ayaa xalay hawlgalo balaaran ka sameeyey in ka badan 11 magaalo oo ay ka dhaceen banaanbaxyada xili lasoo rogay Bandow habeenkii ah.

Magaalooyinka sida caasimada Washington DC, New York iyo Los Angels ayaa lagu soo rogay bandow habeenkii ah si looga hortago boobka iyo dhaca lala beegsanayo xarumaha Ganacsiga sida dhacday habeenadii lasoo dhaafay.

Waxaa sare loo qaaday tirada ciidamada Booliiska ee ka hawlgalaya magaalooyinkaasi oo lagu kabay ciidamada militariga ee National Guardka.

Dowlada Trump oo Isniintii ku hanjabay in ciidamada militariga Federaalka u xil saari doono inay soo afjaraan banaanbaxyada ayaa sheegay in dowladiisa ay diyaarisay ciidamo gaaraya 1600 oo loogu tagalo galay caasimada Washington, walow ciidamadaasi aysan xalay kasoo bixin xeryahooda.

Banaanbaxyada ay dhigayaan shacabka ayaa ka socda inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalka Maraykanka kuwaasi oo dhamaantood si nabad ah u dhaca xiliga maalinta ah, balse xiliyada habeenkii ayey jiraan dhalinyaro iyo kooxo kale oo gabaad ka dhigta banaanbaxa kuwaasi oo si gaar ah u bartilmaamsada xarumaha ganacsiga oo ay dhac iyo burbur u geystaan.

Aqalka Cad oo lagu hareeraysan yahay

Shacabka gadoodsan ayaa xalay boqolaal kamid ah xabsiyada la dhigay kadib markii ay diideen inay u hogaansamaan bandowga bilaabanaya 8da fiidnimo.

Guddoomiyaha gobalka Minnesota ayaa shalay ku dhawaaqay in la bilaabi doono Baaritaan baaxadleh oo lagu sameenayo ciidamada Booliiska ee Minnesota danbiyadii ay geysteen 10kii sano ee lasoo dhaafay.

Dadka abaabulaya banaanbaxyada ayaa sheegay inay sii wadi doonaan mudaharaadka illaa isbedal lagu sameenayo dhaqanka ciidamada Booliiska, waxayna si gaar ah u codsanayaan in la xiro dhamaan 4tii askari ee geystay dilkii George Floyd, waxaa hada xiran hal askari oo kaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *