Xafiiska QM ee Soomaaliya oo ka digey xaalad bini’aadanimo

Published: June 3, 2020

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa ka digey xaaladda dalka haddii aan si degdeg ah wax looga qaban baahida jirta, taas oo ka dhalatey saameynta xanuunka COVID-19, Ayaxa ku habsadey daaqa iyo beeraha iyo fatahaadaha webiga iyo roobabku sababeen.

Justin Brady Isuduwidda Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ee Soomaaliya, ayaa sheegay in guulaha siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya ay gaartey ay halis ugu jirtey in ay dib u dhacdo, haddii aan wax laga qaban xaaladda bini’aadanimo ee jirta.

“Waxaan u baahan nahay inaannu sii wadno wada shaqaynta isla markaasna ballaarino iskaashiga aannu la leenahay ganacsatada gaarka ah, bulshada rayidka iyo inaan wadashaqayn dheeraad ah la yeelanno qurba joogta,” ayuu yiri Justin Brady.

Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa dalabdey balaayiin dollar oo wax looga qabto xaaladda dalka ka jirta, sanadkii 2019 waxaa caalamku ku bixiyeen xaaldda Soomaaliya lacag ku dhaw 2 bilyan oo dollar, taas oo saddex jeer ka badan miisaaniyadda Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *