USA: Sadexdii askari ee ku lug-lahaa dilkii George Floyd oo la xiray

Published: June 4, 2020

Xeer illaaliyaha Guud ee gobalka Minnesota Keith Ellison ayaa dacwad kusoo oogay sadexdii askari ee gacanta siiyey Askariga loo heysto dilka George Floyd ee ka dhacay magaalada Minneapolis todobaad kahor.

Waxaa sidoo kale sare loo qaaday danbiga lagu soo oogay Askariga dilka geystay oo lagu magacaabo Derek Chauvin, halka sadexda askari ee la shaqeenayey markii ugu horeysay lagu oogay dacwada ah inay u fududeeyeen askariga dilka geystay falka uu ku kacay.

Askariga dilka geystay Derek Chauvin

Dhamaan afartan askari ayaa horey shaqada looga eryey, waxaana muddo maalmo gudahood ah la xiray askariga dilka geystay, walow sadexda askari kale illaa iyo shalay ay ahaayeen rag xoriyadooda heysta.

Shacabka Maraykanka ee banaanbaxyada dhigaya ayaa horey u codsaday in dhamaan 4ta askari maxkamada lasoo taago, qoyska George Floyd iyo qareenada u doodaya ayaa soo dhaweeyey kiiska uu hada gacanta ku hayo Xeer illaaliyaha guud ee Minnesota Keith Ellison.

Xeer Illaaliyaha Guud ee Minnesota Keith Ellison

Xeer illaaliyaha guud ee Minnesota Keith Ellison oo ah nin madow oo Muslim ah horeyna usoo ahaa Xildhibaan ayaa sumcad weyn ku leh gobalka Minnesota, wuxuuna kiiskan kala wareegay Xeer illaaliyaha degmada Hennepin County Mike Freeman oo isagu diiday inuu maxkamadeeyo sadexda askari ee kale, halka uu dacwad daciif ah kusoo oogay askariga dilka geystay, go’aankaasi oo qeyb ka ahaa kacdoonka ay bilaabeen shacabka Maraykanka.

Governor-ka Minnesota Tim Walz ayaa todobaadkan go’aansaday in kiiska dacwadan lagu wareejiyo Xeer illaaliyaha guud ee Maamulka Minnesota Keith Ellison.

Shacabka Maraykanka ayaa weli sii wada banaanbaxyada galay maalintii 9aad, magaalooyinka waaweyn ayaa lagu soo rogay bandow xiliyada habeenkii, bandowgaasi oo socon doona illaa todobaadka danbe.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *