Fanaankii caanka ahaa ee Cabdi Tahliil oo Muqdisho ku geeriyooday.

Published: June 5, 2020

Cabdi Tahliil Hobolka caanka ahaa ee Hobolada Waberi ayaa ku geeriyooday Magaalada Muqdisho xili danbe oo xalay ahayd, Tahliil ayaa waqti dheer ku xanuunsanaa Muqdisho, waxaana haleelay cudurka Faaligga ama jeex qalalka.

Cabdi tahliil ayaa ka mid ahaa xidigha ugu waaweyn xagga fanka soomaalida ee barisamaadkii, sidoo kale waxaa uu kaalin wayn kulahaa heesihii wacyigelinta ahaa ee shirarkii dib u heshiisiinta soomaalida ee wadamada deriska ah ka qabsoomay.

Cabdi Tahliil waxa uu qaaday heeso isugu ira kuwa jacayl ah iyo kuwa wadani ah intabada, waxaana si wayn loogu xasuustaa heeskii uu shirka carta ka qaaday ee ” Soomaaliya Soomaalibaa leh”

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *