Farmaajo oo Khadka Internetka uga qeyb galay shirka Tallaalka Adduunka

Published: June 5, 2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad ka jeediyey Shirka Tallaalka Aduunka ee 2020-ka,kaas  oo qaab fogaan arag ah ay u martigalisay Dowladda Ingiriiska, isla markaana uu shirguddoominayey Ra’iisul Wasaare Boris Johnson.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay inay tahay tallaabo lagu farxo in Soomaaliya ay qeyb ka tahay isbaheysiga arrintan ku howlan.

“Sharaf weyn ayay ii tahay inaan ka qeyb galo shirkan fogaan aragga ah ee ku saabsan tallaalka adduunka ee ay martigelisay dowladda UK ee uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Boris Johnson, GAVI waa iskaashi ammaan mudan oo isbaheysi dowlado ah, hay’ado caalami ah, shirkado dowladeed iyo kuwa gaar loo leeyahay, si ay u soo saaraan tallaal looga hortagayo cudurka”.

“Soomaaliya waxa ay ku faraxsantahay inay qeyb ka tahay isbaheysigan tallaalka si loo helo bulsho siman oo bad qabta iyo horumar waara oo ay helaan, kuweena ugu nugul ee adduunka hareeraheeda joogo, kahortagga ayaa mar waliba ka wanaagsan daweynta”. Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha dalka ayaa yiri “Waxaan soo dhaweynayaa oo aan taageerayaa isbaheysiga tallaalka dadaalka ay ugu jiraan inay diiradda saaraan dardargelinta in tallaal loo helo COVID-19, aniga oo ku baaqaya in tallaalka uu noqdo mid la helo karo, gaar ahaan inay heli karaan kuweena aadka ugu nugul”.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *