Al-Sisi oo xabad joojin ku dhawaaqay kadib jabkii Gen.Haftar

Published: June 6, 2020

Madaxweynaha Masar Cabdulfatax Al Sisi oo kamid ah hogaamiyayaasha gacanta militari siinaya ciidamada hogaamiye kooxeedka Khalifa Haftar ee la dagaalamaya ciidamada Dowlada Liibiya ayaa sheegay in loo baahan yahay xabad joojin, maalin kadib markii xoogaga Haftar laga saaray magaalo muhiim u ahayd duulaankii ay  ku qaadeen caasimada Tripoli.

Al Sisi ayaa maanta war uu soo saaray ku qaabay in xabad joojin la bilaabo Isniinta soo socota ee 8da bisha June, isla markaana ku dhawaaqay in dib loo furo wadahadalkii laga dhex waday dowlada Liibiya iyo garabka Haftar ee horey uga dhacay  magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Baaqa Sisi ayaa imaanaya kadib jabkii Khamiistii lasoo dhaafay ay la kulmeen ciidamada Haftar oo laga saaray magaaladii ugu danbeysay ee saldhiga u ahayd duulaankii ay ku qaadeen caasimada Tripoli, ciidamada Haftar ayaa laga qabsaday dhamaan saldhigyadii militari ee ku yaal nawaaxiga Tripoli iyo magaalooyinkii uu saadka usii mari-jiray askartooda oo hada dib uga baxay gebi ahaan dhulka ku dhaw caasimada.

Haftar ayaa taageero militari ka helaya dowladaha Masar, Imaaraatiga iyo Ruushka,  Jeneraalkan oo isagu gacanta ku haya gobalada bari ee dalka Liibiya iyo xarumaha shidaalka laga soo saaro ayaa doonayey inuu awood kula wareego caasimada Tripoli oo ah fariisinka Dowlada Liibiya ee caalamka aqoonsan yahay, fashilka militari ee ku yimid qorshihii Haftar ayaa waxaa lug weyn kuleh dowlada Turkiga oo taageero militari u fidisay dowlada kuna khasabtay Haftar ciidamadiisa inay dib u gurtaan.

Cabdifatax Al Sisiga maamulka Masar oo walaac ka muujinaya markii ugu horeysay xaalada ka taagan Liibiya ayaa ku baaqay in dhamaan ciidamada shisheeye ee ku sugan Liibiya ay ka baxaan dalkaasi, lagana shaqeeyo sidii miiska wadahadalka la isugu keeni lahaa dhinacyada hubeysan ee Liibiya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *