Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo Gudoomiyaha baarlamaanka DFS oo kulan albaabadu u xiran yihiin leh.

Published: June 7, 2020

Waxaa magaalada Muqdisho kulan alabaabadu u xiran-yihiin uga socdaa gudoomiyaha golaha baarlamaanka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh iyo madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogayn ajandaha shirka haddana warar soo baxaya ayaa sheegay in madaxweynayaashii hore ee soomaaliya ay gudoomiyaha la wadagayaana mawqifkooda la xiriira arimaha doorashada soomaaliya.

Xasan iyo Shariif ayaa horay walaac uga muujiyay ku darsi waqtiga doorashada oo ay sheegeen in ay wadaan madaxda DFS balse madaxweyne Farmaajo oo shalay baarlamaanka la hadlay ayaa xusay in doorashada ay dhacayso.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *