Riyada Madaxweynaha Waxaa Ka Horeysa In Uu Hurdo Seexdo?

Published: June 7, 2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa khudbad dheer u jeediyey furitaanka kalfadhigii 7aad ee labada Aqal ee Goloyaasha Baarlamaanka. Kalfadhiga ayaa ku soo aadey xili uu adduunka ka sii yarayaanayo Fayraska Korona oo isbedel weyn dunida geliyey.

Khudbadda Madaxweynaha ayaa ka duwaneyd kuwii hore, ugu horreyn markii u horeeyey ayey ahayd in Madaxweynuhu uu ku khudbeeyo isaga oo fadhiya taas oo aan horey u dhicin, waxaana inta badan khudabadaha fadhiga ku akhriya dalalka Monaarkiga ah ee Boqor/Boqorad iska leh, lama sheegin sababta qaabkii dhaqanka ahayd ee istaaga ahayd Madaxweynuhu khudbadda ugu jeedin waayey.

Madaxweynaha ayaa si weyn khudbadiisa ugu soo qaatey halka uu Soomaaliya la doonaayo, iyo shuruuda ku xiran in ay halkaas gaarto Soomaaliya, taas oo ah Xornimo, Midnimo iyo Nabad, sidoo kale waxa uu ku faahfaahiyey doorashada uu doonaayo in uu qabto nooca ay tahay waxaana uu yiri:

“Waxa uu dalku marayaa marxalad xasaasi ah oo loo baahan yahay in aan gacmaha is qabsano, si aan uga rumeyno hiigsigeeni ahaa in la helo Soomaaliya oo NABAD ah, Soomaaliya oo MID ah iyo Soomaaliya oo XOR u ah danaheeda qaranimo, marka aan leenahay Soomaaliya oo NABAD ah, macnaheedu waa Soomaaliya oo BARWAAQO ah, Soomaaliya oo aan u tagney kheyraadkeedi, haddey tahay kaluun iyo shidaal, laakiin waa haddii NABAD la helo!! Soomaaliya waa dal qani ah, laakiin shuruudu waxay tahay in la helo NABAD, iyo Dowlad ku hagta NABADDAAS ayaa khasab ah”

Madaxweyne Farmaajo

Saddexda arrimood ee Madaxweynhu ka hadley ayaa asaas u ah jiritaan dal, intaas haddii aan la haysan dalkaasi malahan wax jiritaan ah, haddaba marka uu Madaxweynuhu lee yahay Soomaaliya oo Xor ah maxay tahay ulajeedkiisu, haddii aanu Madaxweyne u ahayn Soomaaliya xor ah waa maxay waxa ugu weyn ee dalka u harsan. Joogitaanka UNSOM, AMISOM iyo deegaanada AL-SHABAAB haystaan, miyey dalka ka qaadeysaa xornimadiisi.

Midnimada iyo Nabadda ayaa ah qodob kale oo muhim ah, waxa ugu weyn ee Ololaha doorashada lagu galo ayaa ah xasilinta dalka, sida muuqata Madaxweynuhu xitaa in Soomaaliya kheyraadkeeda gaarto waxa uu ku xirey NABAD, taas oo u muuqata hadda in aysan jirin oo dalku aanu haysan.

Madaxweynaha oo sii faahfaahinaya saddexda qodob ee Xornimada, Midnimada iyo Nabadda ayaa yiri:

“Soomaaliya oo MID ah oo aan la farogelin iyo Soomaaliya oo XOR ah, Soomaaliya XOR ma noqon karto haddii aysan NABAD haysan, Soomaaliya XOR ma noqon karto haddii aysan MIDOOBIN, macnaheedu waa mar walba waxaan ku jireynaa gunnimo, macnaheedu waa in aan NABADDA raadino”. Hiigsigeenu waa Soomaaliya oo NABAD ah, Mid ah oo Xor ah.

Waxaa dad badan is weydiinayaa haddii Madaxweynhu u muuqato in aysan jirin Nabad la isku haleyn karo, haddii ay u muuqato in dalku kala qaybsan yahay oo midnimadiisu dhantaalan tahay, sidee loogu fekeray in muddo lix bilood ah gudahood ku qabto Doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Waxa ugu weyn ee Soomaaliya ay haysatey ayaa ah doorasho xasilan oo afartii sanoba hal mar dhacda, dastuuri ah, la isku raacsan yahay, haddii middaas la waayo, oo la isku dayo ku darsasho, waxa la is weydiinayaa ceelka lagu rido sida looga soo saari doono.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *