Booliska magaalada Minneapolis oo la kala dirayo?

Published: June 8, 2020

Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee magaalada Soomaalidu ku badan tahay ee Minneapolis dalka Maraykanka ayaa badankood taageersan yihiin in la kala diro Booliska magaalada gebigoodaba, arrintan ayaa imaaneysa kadib markii Boolisku ku xadgudbey xuquuqda madaniga ah ee nin madow ah oo ay gacantooda ku dileen 25 bishii May, kadib markii surka cag uga qabteen.

Xildhibaanada Golaha deegaanka oo ka qaybgalay banaanbax looga soo horjeedo dhibaatada iyo tacadiga Boolisku u geystaan dadka madaniga ah gaar ahaan kuwa madowga ah ayey ka sheegeen in ay soo afjarayaan jiritaanka waaxda Booliska ee magaalada, laguna beddeli doono ciidamo cusub.

Magaalada Camden ee gobolka New Jersey ayaa sanadkii 2012 sidaan oo kale kala dirtey waaxda Booliska, waxaana lagu beddalay ciidamo cusub.

Ilaa hadda waxaa daafaha dunida ka socda banaanbaxyada looga soo horjeedo qaabka Boolisku ula dhaqmaan dadka laga tirada badan yahay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *