Dad Looga Shakiyay Alshabaab oo Lagu Qabqabtay Galkacayo

Published: June 8, 2020

Howl-gal ay si wadajir ah magaaladda Galkacayo xalay uga sameeyey ciidamada Puntland iyo Puntland ayaa lagu soo qabqabtay dad looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin howlo argagixiso

Saraakiisha horkaceysay howl-galladaasi ayaa sheegay in u jeedkooda uu ahaa xaqiijinta amniga Gaalkacyo, iyadoona baaritaano laga sameeyey koonfurta iyo waqooyiga magaalada.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi ku dareen in baaritaanadaasi lagu soo qab-qabtay dad badan oo looga shakiyey inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro iyo dilal qorsheysan ka fulisa magalada Gaalkacyo

Maalin ka hor ayey aheyd markii magaalada Gaalkacyo lagu toogtay nin hubeysnaa oo la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Mudug, halka mid kale oo ganacsade ahaa balse lagu eedeeyey inuu xiriir lalaaha ninka la dilay lagu qabtay guri ku yaalo koonfurta Gaalkacyo.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *