Taliyaha Difaaca Kenya oo Booqasho Ku Yimid Jubaland

Published: June 8, 2020

Taliyaha ciidamada difaaca kenya Jeneraal Robert Kibochi ayaa booqasho aan hore loo sii shaacin shalay ku yimid maamulka Jubbaland.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska ciidamada Kenya ayaa lagu sheegay in ujeedada socdaalka Taliyiha ay la xiriirto dhiirigalinta iyo u kuurgalida ciidamada Kenya ee ku sugan Somaliya, waxaana uu kulan la qaatay Saraakiisha iyo ciidamada ku sugan Magaalooyinka Kismaayo, Afmadow, Qooqaani, tabta iyo hoosigow.

Jeneraal Robert Kibochi ayaa bishii hore loo magacaabay Taliyaha ciidamada Difaaca Kenya, Booqashadiisa ayaa noqonaysaa tii u horraysay ee uu ku yimaado Somaliya.

Ciidamada Kenya oo qayb ka ah howlgalka Nabad ilaalinta Somaliya ee Amisom ayaa soo galay Somaliya si ay ula dagaalamaanka ururka Alshabaab oo gacanta ku hayay gobolka Jubbada Hoose.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *