Aqalka Sare oo ku baaqey wadahal deg-deg ah oo ku saabsan doorashooyinka

Published: June 9, 2020

Guddiga Joogtada ah ee Aqalka sare oo kulan degdeg ah ayeeshay maanta 0 Salaasa ah ayaa ugu baaqey madaxda Qaranka iyo madaxda Dowlad goboleedyadu in ay u turaan shacabka Soomaaliyeed ee ay mudada dheer ragaadiyeen khilaafaad siyaasadeed iyo colaaduhu, oo ay ka miro dhaliyaan hayaanka loogu jiro, sidii loo gaari lahaa dowladnimo taabbagasha oo ku dhisan dimoqraadiyad wada-ogol ah.

Guddiga ayaa sheegay in ay garawsadeen in doorashooyinka heer federaal ay u baahan tahay wadatashi degdeg ah kaas oo ay isugu yimaadaan 25 June 2020 dhamaan Madaxda Qaranka oo u horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Xukuumadda Federaalka, Baarlamaanka Federaalka iyo madaxda Dowlad goboleedyada iyo dhamaan daneeyaasha siyaasadda, waxaana laga tashanayaa doorashada 2020/2021, si loo helo hab iyo hanaan raalli la isaga yahay.

Guddiga ayaa sheegay goobta wadahadalku ka dhacayo in lagala tashan doonto dhinacyada ay khuseyso.

Akhrisi warsaxaafadeedka oo sidiisi ah

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *