Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo arimaha doorashada kala hadleysa dawlad-goboleedyadda.

Published: June 9, 2020

Golaha wasiirada Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa shirka Guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay kusoo badhigtay qorshe ku saabsan sidii loo wajihi lahaa wada xaajood ay yeeshaaan dowlad Goboleedyada dalka iyo Dowladda Federaalka ee soomaaliya kaas oo la xiriira arrimaha doorashooyinka.

Shirka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dawlada Federaalka ah Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale looga hadlay hab-raaca dhameystirka wada xaajoodyada muhiimka u ah geedi socodka federaalaynta iyo demoqoraadiyadaynta dalka, awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee DF iyo dowlad gobaleedyada iyo iskaashiga heerarka dowladda ee Qabashada doorashooyinka 2020-2021.

Dhawaan ayay ahayd markii raysal-wasaare Xasan Cali Khayre sheegay in doorashada waqtigeeda lagu qaban, doono, waxaa bilaabmay shirar ay yeelanayaan golaha wasiirada iyo dhinacyadda ay khusayso arimaha doorashooyinka.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *