Déjà-vu : Ruwaayada Qabyo Ninkeeda Dhameystira [Doorasho Qof iyo Cod ah!]

Xili dalka Soomaaliya isu diyaarinayo inay dhawaan ka dhacaan Doorashooyin lagu sheegay Qof iyo Cod ayaa waxaa deegaanada qaarkood laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ay wadaan hogaamiyayaasha xilalka haya ee iyagu sameystay ururo ama xisbiyo siyaasadeed, halka kuwa kalena la sugayo in dhawaan lagu dhawaaqo!

Inkastoo ay adag tahay in xiligan guud ahaan dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah ayey hadana tahay mid la isku raacsan yahay in wadanka laga saaro nidaamka Qabaliga ah ee 4.5 oo loo gudbo xili muwaadinka uu soo dooran lahaa cidda ama xisbiga uu doono.

Hogaamiyayaasha xiligan gacanta ku haya tallada dalka heer Federaal iyo Dowlad gobaleed ayaa iyagu afka ka sheega inay isu diyaarinayaan sidii loo qaban lahaa doorashooyin qof iyo cod ah, xili aan gebi ahaanba la dhisin Tiirarkii aasaasiga ahaa ee Doorasho Qof iyo Cod ah.

Maxkamadda Dastuurka

Waxaa muuqata in shacabka lagu maaweelinayo xisbiyo la furo xili aan gebi ahaan wax laga qaban arrimihii ugu muhiimsanaa sida;

  • Diiwaangelinta Shacabka
  • Afti Loo Qaado Dastuurka
  • Suggida Amniga guud ee dalka
  • Dhismaha Maxkamada Dastuuriga ah
  • Guddi Madax Banaan oo awoodleh
  • Hanti Dhawr Qaran
  • Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka

Hadaan si gaar ah u eegno 7-dan qodob ee kor ku xusan oo ah kuwo dhamaantood hirgelintooda laga sugayey Hogaamiyayaasha xilka haya ayey hadana madaxda Qaran iyo kuwa Dowlad Gobaleedka sheegayaan in diyaar u yihiin doorasho nidaam xisbiyo ah.

KAAH iyo Puntland

Hadaan Tusaale usoo qaadano dhawaan waxaa la furay ururka (Xisbiga) KAAH oo uu asaasey Madaxweynaha xilka haya Md.Siciid Cabdullahi Deni, xisbiga ayey iska diiwaangeliyeen inta badan Golaha Wasiirada iyo waliba qaar badan oo kamid ah Shaqaalaha rayidka ah ee dowlada Puntland!

Maadaama ay muuqato in ururka KAAH olole badan ka wado gobalada Puntland oo uu goobo kala duwan ka furtay Xafiisyo ay waliba xariga ka jareen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Xildhibaano ayaa la isweydiinaya hantida lagu maalgeliyey inay ka maran tahay Hantidii Qaranka (Shacabka Puntland)?, kama jiro Puntland guddi u xilsaaran dabagalka musuqmaasuqa, iyo si khaldan loo adeegsado, kaas oo shaqadiisa guta.

Puntland hooyada Federaalka, waa Dowlada kaliya ee xubinta ka ah Federaalka Soomaaliya ee xiligan inta badan deegaanadeeda amnigood sugan yihiin lana oron karo way ka dhici kartaa doorasho qof iyo cod ah, balse waxaan fari-ka-qodneyn in wax laga qabto 7-da qodob ee aan horey usoo sheegnay, oo ay ugu horeyso in dib loogu noqdo dastuurka oo xiligii Madaxweyne faroole si weyn loogu danaystey, kadibna afti dadweyne lagu ansixiyo, waxaana uu si weyn u khilaafsan yahay kan federaalka.

Nabad & Nolol iyo Khasnada Villa Soomalia!

Dhanka Federaalka Soomaaliya waxaa lagu wadaa in dhawaan hogaamiyayaasha xilka haya ay ku dhawaaqaan Xisbi Xaakimkii (Nabad iyo Nolol) walow la sheegayo in dood xoogan ka dhex taagan tahay Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha oo labaduba leh hami ah inay u tartamaan xilka ugu sareeya.

Madaxweyne Farmaajo oo loolan xoogan ugu jira siduu markii labaad xilka ugu soo noqon lahaa ayaa illaa iyo hadda diidan in la furo wadahadalkii lala geli lahaa maamulada dalka si loogu heshiiyo qaabka doorasho, maadaama xiligii doorashada la galay ayna suurto gal ahayn doorasho Qof iyo Cod ah.

Farmaajo ayaa aaminsan in uu ku adkeysto in doorashada dhaceysa ay noqoto Qof iyo Cod, si wakhti dheeraad ah loogu daro (2 sano), balse su’aasha ayaa ah maku hirgelin karaa 2 sano, wixii lagu hergelin waayey 4 sano?

Xulafada Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa wada qorshe labaad oo ay doonayaan inay ku galaan olole sida Kuraas Gobalka Banaadir laga siiyo Aqalka Sare, si kuraastaasi loo siiyo xubno codka siiya Nabad & Nolol hadii arrinta isugu biyo-shubato doorasho lamid ah tii lagu soo doortay Farmaajo. Balse kuraasta Aqalka Sare oo la kordhiyo ayaa u baahan in la jabiyo Dastuurka Federaalka oo la kordhiyo nidaamkii Gobalada horey loogu qeybiyey, waxaana iyaduna meesha ka maqan Maqaamkii Banadir oo aan weli la qeexin, waxa uu noqonaayo.

Banaanbaxyada La maalgeliyey

Axadii lasoo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho lagu qabtay Banaanbax ay xulafada Madaxweyne Farmaajo soo diyaariyeen isla markaana uu horboodayey Guddoomiyaha Banadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Filish, waxaa xusid muddan in ciidamada Booliiska iyo kuwa Haram-Cad ay galbinayeen dadka banaanbaxa dhigayey isla markaana wadooyinka magaalada loo xiray dadkaasi watay Sawirada Madaxweynaha.

Waxay Su’aal ka taagan tahay Dhaqaalaha ku baxay Banaanbaxa halka laga keenay iyo Khasnadii Villa Somaliya inay isu-bedashay mid loo adeegsado olola Xisbi Xaakimka Nabad iyo Nolol?

Mucaaridka iyaguna ma loo oggol yahay in waddooyinka ay u xiraan Booliiska iyo Haramcad si ay iyaguna ugu mudaharaadaan madaxda Xilka heysa?, tan waxay muujineysaa in weli dalka ka fogyahay wadada dimoqraadiyadda.

Halkee ku dambeeyey amarkii lagu mamnuucay Banaanbaxyada Muqdisho iyo La dagaalankii Covid-19?

Guddiga Doorashada ee iyaguna kamid ah martida wax ka deggan xarunta Villa Somaliya oo iyagana aan weli wax Sharqan ah laga maqal!

Maxkamadii Dastuurka ee arrimahan la xariira doorashada kala saari lahayd iyaduna ma jirto oo waxaa hawlaheedii lagu wareejiyey Maxkamada Sare oo uu guddoonkeedu soo magacaabo Madaxweynaha.

Waxaa hubaal ah in Ruwaayadan [Qabyo Ninkeeda Dhameystira aka Doorasho Qof iyo Cod] ay tahay mid horey loo daawadey oo ay ku bixi doonto Hanti Badan oo wax u qaban lahayd Shacabka saboolka ah ee Soomaaliyeed, waxaase laga cabsi qabaa inay waddanka dhaxalsiiso fidno cusub oo uu ku daato dhiig Soomaaliyeed sidii ka dhacday doorashooyinkii Koonfur Galbeed iyo Galmudug ee awooda kula wareegeen Wasiiro ka tirsan Nabad & Nolol ah oo u dalacay Madaxweynayaal!

Maxamed Cismaan

Horseed media