DFS oo diyaarinaysa shaqaalaha laanta saadaasha hawada iyo ka digista masiibooyinka.

Published: June 9, 2020

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda qorshe lagu hawlgalinayo laanta saadaashada hawadda iyo ka digista masiibooyinka, qorshahaan waxaa qayb ka ah diyaarinta iyo tababarida shaqaalaha ka hawlgali doonto laantaan oo qayb ka ah wasaaarada Gargaarka.

Wasiirka Gargaarka Hamza oo tabbar u furay shaqaalaha loo diyaarinayo xaruntaa ayaa sheegay in abuurista iyo kobcinta xarumaha ka sii diga halis-wadareedyada ay u sahleyso DFS in ay awood u yeelato in ay ka jwaabto, yareyso isla markaana maareyso Musiibooyinka.

“Waa guul kale oo ay gaartay Dowladda Soomaaliya taas oo horseedi doonta in xarunta ka sii digta musiibooyinka ay howl gasho ka hor inta aanay dhammaan Juun, in Dowladda Soomaaliya ay la soo wareegto nidaamka digniinaha musiibooyinka oo hadda ku jira gacmo hey’ado ajnabi ah ay tahay arrin sii xoojineysa madax-bannaanida Soomaaliya mana la sii sugi karo in nidaamkaasi ka sii maqnaado gacanta Dowladda Soomaaliya.” ayuu yiri Wasiir Xamza

Tababarista shaqaalaha ayaa qeyb ka ahayd heshiis seddex geesood ahaa oo dhawaan ay kala saxiixdeen Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS, Barnaamijka cuntada u qaabilsan qm ee WFP iyo hey’adda sacuudiga laga leeyahay ee King-Salmaan Foundation.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *