Kaarayaal iyo Diyaaradaha Dagaalka ee Masar oo Gudaha u Galay Liibiya

Published: June 9, 2020

Kaarayaal iyo diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca ee wadanka Masar ayaa gudaha u galay wadanka Liibiya labo maalin ka dib markii madaxweyne Cabdifataxaa Siisi uu soo jeediyay baaq Xabad joojin ah oo lagu soo afjarayo dagaalka sokeeye ee dalkaasi.

Wararku waxay sheegayaan in Kolonyo baabuur oo xambaarsan ilaa 18 Kaarayaal M1A2 Abraham ee Maraykanku sameeyo iyo Diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca M1-24 ay ka gudbeen xuduuda bari ee dalkaasi Liibiya

Madaxweynaha Masar ayaa toddobaadkan soo bandhigay Baaqa Qaahira kaasi oo ku baaqayay in dhammaan ciidamada Calooshood u shaqaystayaa Ajnebiga ah ay ka baxaan dalkaasi Liibiya, baaqaas waxaa taageeray Generaal Khaliif Haftan iyo afhayeenka barlamaanka bariga Liibiya Aguila Saleh.

Baaqa Qaahir ayaa ku baaqayay in la kala diro, hubkana laga qaado dhammaan maleeshiyaadka ka dagaalama wadanka Liibya. xukuumada ay qaramada midoobay aqoonsatahay ee Tripoli ayaa ku gacan sayrtay baaqaas.

Ciidamada Dowladda ayaa haatan isku diyaarinaya inay dagaal kula wareegaan Magaalada Sirta oo muhiim ah u ah inay qabsadaan xarumaha shidaalka laga soo saaro ee ku yaal bariga wadanka liibiya oo uu gacanta ku hayo Generaal Khaliifa Xaftar

Haftar ayaa taageero militari ka helaya dowladaha Masar, Imaaraatiga iyo Ruushka, fashilka militari ee ku yimid qorshihii Haftar ayaa waxaa lug weyn kuleh dowlada Turkiga oo taageero militari u fidisay dowlada kuna khasabtay Haftar ciidamadiisa inay dib u gurtaan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *