Madaxweynihii Wadanka Burundi oo Geeriyooday

Published: June 9, 2020

Wararka ka imaanaya wadanka Burundi ayaa waxay sheegayaan inuu geeriyooday Madaxweynihii wadankaasi Burundi Pierre Nkurunziza

Madaxweynaha oo da’diisu ahayd 55 jir ayaa geeriyooday kadib markii uu wadnuhu istaagay siday ay shaacisay xukuumadda Burundi maanta oo talaada ah

Nkurunziza ayaa hore u ahaa hoggaamiyaha jabhad qowmiyada Huutugu ay lahaayeen oo dagaal dhiig badan ku daatay la gashay dowlada Burundi oo qabiilka Tutsigu u badnaayeen. Waxaa loo doortay madaxweynaha Burundi Sanadkii 2005tii ka dib markii uu joogsaday dagaalkii sokeeye ee dalkaasi.

Nkunrunziza ayaa xilka madaxtinimada dalkaasi ka degayay ka dib markii uu xilka hayay 15 Sanno, iyadoo doorashadii u dambaysay ay dhalisay qalalaase siyaasadeed iyo kacdoon dadweyne oo looga horjeeday in mar saddexaad uu tartamo madaxweynaha wadanka Burundi.

Doorashada madaxweynaha oo la qabtay bishii hore ayaa waxaa ku guulaystay Evariste Ndayishimiye oo ah Generaal ciidamada howlgab ka noqday oo musharax u ahaa xisbiga xukuumadda , isagoo helay 68.7% codadkii la tiriyay, waxaa uu ka guulaystay hoggaamiyaha mucaraadka dalkaasi Agathon Rwasa oo helay 24.19% codadkii doorashada.

Ciidamada wadanka Burundi waxay ka mid yihii ciidamada nabad ilaalinta Amisom ee ka howlgala koonfurta iyo bartamaha Somaliya ilaa sanadkii 2007.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *