Maxaa Muqdisho Ka Socda?

Published: June 9, 2020

Waxaa soo dhamaadedy shir dheer oo ay wada qaateen Madaxweynayaashii hore ee Jamhuuriyadda iyo labada guddoomiye ee Goloyaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

Shirkan oo muddo dheer qaatey ayaan si dhab ah loo ogeyn waxa la isku afgartey.

Sheekh Shariif iyo Xassan Sheekh Maxamuud, madaxweynayaashii hore ayaa isla caawa shir la galay madasha Xisbiyada, waxaana ay ka arrinansayaan wixii ka soo baxay shirkii ay la qaateen Guddoomiye Mursal iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Isla maanta waxaa ka soo baxay Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare qoraal lagu dalabdey in si degdeg ah shir ay isugu yimaadaan Madaxda Dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Dowladda Maraykanka ayaa mar kale ku baaqdey in Dowladda federaalku si degdeg ah shir ula qaadato Dowlad goboleedyada, waxaana ay taagereen baaqa Aqalka sare.

madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo raysalwasaaraha ayaan weli ka hadlin baaqa loo jeediyey, sidoo kale waxaan weli war soo saarin Dowlad goboleedyada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *