USA: Dimuquraadiga oo soo bandhigay Sharci cusub oo wax looga qabanayo Danbiyada ay geystaan Askarta Booliiska

Published: June 9, 2020

Xildhibaanada Xisbiga Dimuquraadiga Maraykanka ayaa Kongareeska dalkaasi horgeeyey markii ugu horeysay sharuuc cusub oo ay doonayaan in wax looga qabto danbiyada ay galaan askarta Booliiska Maraykanka ee dilal joogto ah u geysta dadka laga tiro badan yahay sida Madowga Maraykanka.

Sharuucdan cusub ayaa hadii la ansixiyo waxay u fududeyn doontaa in Shacabka ay maxkamada la tiigsan karaan askarta danbiga ka gasha, waxaa sidoo kale qeyb ka ah sharcigan in la dhiso Shabakad Qaran oo lagu kaydiyo xogta dhamaan Askarta danbiyada geysta, waxaa inta badan dhacda askarta xilka laga qaado inay si fudud gobal kale ay askar ama xilal uga qaban karaan, isla markaana meesha laga saaro sharuucda xasaanada gaarka ah siinaya askarta Booliiska.

Waxay sidoo kale xisbiga Dimuquraadiga doonayaan in wax weyn laga qabto tababarada lasiiyo ciidamada, lana mamnuuco qaabka ay askarta u xiraan dadka ama jirdilka ay u geystaan sida qoorta ay dadka qabtaan iyo farsamooyinka kale ee halista gelinka dadka ay xirayaan.

Xildhibaanada Dimuquraadiga oo Jilbaha dhulka dhigay si ay u xusaan dilkii George Floyd (AP Photo/Manuel Balce Ceneta)

Waxaa sharcigan si wadajir ah Isniintii shalay usoo bandhigay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Nancy Pelosi iyo Hogaamiyaha Dimuquraadiga ee Aqalka Senateka Chuck Schumer oo ay wehliyaan xildhibaano badan, kuwaasi oo 8.46 daqiiqo u aamusay si ay u xusaan George Floyd oo dhamaadkii bishii hore askari booliis ah ku dilay Magaalada Minneapolis isagoo qoorta ka saaray jilibkiisa neeftana ku ceshay muddo 8.46 daqiiqo ah, dilkan ayaa sababay banaanbaxyo balaaran oo ay shacabka dhigayaan kuwaasi illaa iyo hada socda loogana soo horjeedo dilalka ay geystaan askarta booliiska.

Miisaaniyada Booliiska

Banaanbaxayaasha mudaharaadka wada oo ay hogaaminayaan ururka u dhaq dhaqaaqa Madowga Maraykanka ee la baxay BLM (Black Lives Matter) ayaa iyagu doonaya in la jaro dhamaan Miisaaniyada tirada badan ee ciidamada Booliiska lasiiyo, halka qaar kale doonayaan in gebi ahaan la burburiyo qaab dhismeedka ciidamada Booliiska, si loo xakameeyo awooda askarta, balse arrintan ayaa ah mid ay weli dood weyn ka taagan tahay.

Waxaa xusid muddan in iyaguna ay olole balaaran oo ay isku difaacayaan wadaan ISKAASHATOOYINKA ciidamada Booliiska oo ah kuwo awood baddanleh kuwaasi oo diidan in lasoo faro-geliyo awooda ciidamada booliiska iyo xasaanada ay heystaan askarta booliiska.

Booliiska Maraykanka ayey miisaaniyadooda sanadkii tahay in ka badan $100 bilyan oo dollar, askarta booliiska ayaa gaaraya 796.000 kuwaasi oo hoostaga 17,985 Talis oo kala duwan oo ku kala yaal gobalada iyo degmooyinka.

Booliiska Maraykanka ayaa isagu hoos-taga Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Maraykanka (State-ka) iyo Maamulka heer Degmo, wayna yartahay in Federaalka uu faro-gashto qaab dhismeedka ciidamadaasi, hase yeeshee Dowlada Federaalka ayaa ku cadaadin karta Dowladaha xubnaha ka ah (Stateska) inay ay askartooda booliiska wax ka qabtaan hadii ay dhaqaale ka codsanayaan Dowlada Federaalka, waxay sidoo kale dowlada Federaalka awood u leedahay inay sameyso baaritaan ama dacwad heer federaal ah hadii meel looga dhaco qodobbada Dastuurka Federaalka sida xaquuqda uu leeyahay Muwaadinka.

Qore: Khalid Yussuf

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *