Jubaland oo soo dhaweysey shirka wadatashiga ee lagu baaqey

Published: June 10, 2020

Jubaland ayaa si diiran u soo dhaweysey baaqa ka soo baxay guddiga joogtada ah ee Aqalka sare ee ku saabsan in shir wadatashi ay isugu yimaadaan., Dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyadu si looga arrinsado doorashada 2020/2021.

Warsaxafadeedka Jubaland ayaa lagu sheegay in dhamaadkii bishii May iyo bilowga bishan Juune ay ka qaybgaleen shir dhanka Internetka ah oo xafiiska Madaxweynaha Federaalku hoggaaminaayey kaas oo wax natiijo ah aysan ka soo bixin, sidaas darteedna guddigaas farsamo ay jubland ka baxdey hadda wixii ka danbeeya.

Jubaland ayaa soo dhaweysey qoraalka ka soo baxay Aqalka Sare ee ku baaqey in shir la isugu yimaado 25 bihan Juun kaas oo looga arrinsanayo doorashada 2020/2021.

Hoos ka akhri

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *