Maxaa dhacaya haddii Madaxweyne Farmaajo soo dhaweyn waayo shirka wadatashiga?

Published: June 10, 2020

Soomaaliya waxay maraysaa xili xasaasi ah oo u baahan in gacmaha la is qabsado oo si wadajir ah loo wajaho xaalada dalka Soomaaliya, hadalkan waxaa Goloyaasha Baarlamaanka horteeda ka yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xili uu furaayey Kalfadhigii 7aad, waa hadal xaqiiqa ah, waxaana la gaarey xiiligii laga dhabeyn lahaa. Haddaba iyada oo hadalkaas laga duulayo, waxaa guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ee Jamhuuriyaddu soo saarey baaq dheer oo nuxurkiisu ahaa in ugu danbeyn 25 Juun 2020 la isugu yimaado shir wadatashi.

Baaqa Aqalka sare kadib waxaa soo dhaweeyey, Koonfur Galbeed, Jubaland, Hirshabele iyo Puntland, sidoo kale waxaa soo dhaweeyey beesha Caalmaka sida dalalka Maraykanka iyo Midowga Yurub.

Ilaa hadda waxaan war ka soo bixin Xukuumadda Federaalka iyo xafiiska Madaxweynaha, haddaba waxaa la is weydiinayaa tallaabada ay qaadi doonaan.

Waxaan shaki ku jirin in Raysalwasaare Xassan Cali Kheyre uu xiriir dhaw la lee yahay dhamaan Dowlad Goboleedyada, baaqa soo baxayna hadal u dhaw uu dhawaan jeediyey, sidaas darteed uu aad ugu faraxsan yahay qorshahan cusub. Waxaa dadka akhriya sadarada siyaasadda hoosteeda ay sheegayaan in Xassan Cali Kheyre uu haysto fursad uu ku hoggaamin karo sidii marxalddan looga bixi lahaa, isla markaana uu u dhisan lahaa mustaqbal siyaasadeed iyo xulafo. Laakiin, Xassan Cali Kheyre Raysalwasaaraha Jamhuuriyaddu ma doonayo in uu ka hordhaco go’aanka Madaxweynaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ma haysto xulafo siyaasadeed, waxaa dad badan ku doodaan in uu Dowlad goboleedyo dhistey, laakiin taasi waa mid xaqiiqada ka fog. Golaha wakiilada oo uu isku halleynaayey in ay isku doon saaran yihiin oo ay ka dhabeyn karaan damaciisa siyaasadeed waxaa u muuqata in aysan ahayn sida uu ugu xisaabtamey, haddaba Madaxweynaha waxaa la gudboon laba arrin midkood.

  1. In uu soo dhaweeyo shirka wakhti la cayimeyna ku qabto oo uu hoggaamiyo wadahadal miro dhal ah oo looga baxayo khilaafka siyaasadeed ee taagan.

Arrintan waxay horseedeysaa in go’aamo loo dhan yahay oo la isla oggol yahay soo baxaan, tan oo mugdi gelin karta damaciiisa ku aadanaa in doorashadu u dhacdo qaabka uu u injineeriyo.

  1. In uu dhegaha ka fureysto oo aanu wax ja waab ah ka bixin baaqa loo jeediyey.

Arrintan waxay keeneysaa in Dowlad goboleedyada iyo Goloyaasha Baarlamaanka iyo daneeyaasha siyaasadda Soomaaliya la isu keeno oo laga maarmo Villa Somalia, beesha caalamkuna taageerto go’aamada ka soo baxa, arrintan ayaa keeni karta in kala aragti duwanaanshaha u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Rayslwasaare Xassan Cali Kheyre uu banaanka u soo baxo, raysalwasaaruhuna la safto inta badan ee Saamileyda siyaasadda Dalka isla markaana hoggaamiyo shirkaas.

Haddaba kubaddu waxay la taalaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxanaa muhim ah in uu ka fekero dhanka uu u laadi doono.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *