Puntland oo soo dhaweysey shirka wadatashiga ee Aqalka sare ku baaqey

Published: June 10, 2020

War saxaafadeed dheer oo gaaraya afar bog oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu soo dhaweeyey baaqa ka soo baxay guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ee Soomaaliya, kaas oo ku baaqey shir wadatashi.

Puntland ayaa Dowladda Federaalka ah ku eedeysey in ay ka gaabisey hawlihii loo igmadey ee ka horeeyey Doorashada, taas beddelkeedna ay dalka ka wado qalalaase siyaasadeed, kicin bulsho iyo abaabul mudaaharaadyo.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxda dowladda Federaalka aysan weli ka soo jawaabin gogoshii Puntland ay fidisay kaddib shirkii Wadatashiga Puntland ee dhacay bishii Maarso ee sanadkan magaalada Garowe, welina gogoshaas ay sideedii u fidsan tahay.

Puntland waxay soo dhaweyneysaa shirka wadatashi ee guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ku baaqey, si looga baxo marxaladda haatan lagu jiro.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *