SUDAN: Hogaamiyihii Maleeshiyadii Darfur oo isu dhiibay Maxkamada Caalamiga ah

Published: June 10, 2020

Ali Kushayb ayaa ahaa hogaamiyihii maleeshiyaadka Janjaweed ee xasuuqa ka geystay gobalka Darfur ee dalka Sudan intii u dhaxeysay 2002 – 2004, Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada dagaal ICC ayaa 13 sano kahor amartay in lasoo qabto ninkan.

Kushayb ayaa la sheegay Salaasadii shalay lagu wareejiyey Saraakiisha Maxkamada Caalamiga ah ee ICC kadib markii uu isa soo dhiibay, wuxuuna ku sugnaa dalka Bartamaha Afrika.

Kushayb ayaa xubin ka ahaa xisbigii Gen.Cumar Al Bashir ee dalka Sudan ka talinayey, waxaana loo heystaa 50 danbi oo ay ku jiraan, xasuuq, baro-kicin, kufsi iyo dilka dad rayid ah.

Dagaalkii ka dhacay gobalka Darfur ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay in ka badan 300-kun oo qof laguna baro-kiciyey 2.7 milyan oo qof.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *