Maxay tahay sababta shirkii Golaha Wasiiradu u baaqdey?

Published: June 11, 2020

Shirka Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ayaa todobaadkasta ay isugu imaan jireen maalinta Khamiista ah. Maanta oo Khamiis ah ayaa in badan oo Golaha Wasiirada ah loo direy fariimo in shirku baaqdey.

Sababta ugu weyn ee shirkaani u baaqdey ayaa wararka qaar sheegayaan in ay tahay xaaladda dalka ka taagan, ee ku saabsan halka loo jiheynayo siyaasadda dalka maadaama ay soo dhawaatey doorashooyinkii dastuuriga ahaa.

Xog kale ayaa sheegaysa in shirka Golaha Wasiirada la qorsheeya 48 saacadood ka hor maalinta Khamiista ah, shirkaani aanu ahayn mid qorsheysan oo lagu balamey taasna ay sababtey in uu baaqdo.

Waxaa soo baxay kala aragti duwanaansho u dhaxaysa Madaxweynaha iyo Rayslawasaaraha taas oo salka ku haysa doorasho caynkee ah ayaa dalka ka dhacaysa?, goorma ayeysa dhacaysaa?, yaa lagala tashanayaa doorashada?

Shirkii golaha wasiirada ee laba todaad ka hor dhacay ayaa raysalwasaraauhu si faahfaahsan uga hadley shaqada u weyn ee xukuumadda laga doonayo in ay tahay sidii dalka doorasho uga dhici lahayd, arrintan ayaa sababtey in wasiiro badan oo ku aragti ah Madaxweynaha ay ka caroodaan, maadaama markii hore ajandaha shirka aysan ku jirin in laga hadlo doorashooyinka, sidoo kale waxaa si weyn uga caroodey xafiiska Madaxweynaha hadalka ah doorasho waa in ay dhacdo afartii sanoba hal mar, nooca ay doontoba ha noqotee oo uu yiri raysalwasaaruhu.

Madaxweynaha ayaa qaba in doorashada lagu qabto sharciga doorashooyinka oo dhigaya hal qof iyo hal cod, sidoo kale waxaa la aaminsan yahay in uu doonaayo in uu qabto doorasho ay ka soo shaqeysey Dowladda Federaalka oo keliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *