Taliska Booliska Karkaar Oo Shaqo-Joojin Lagu Sameeyey

Published: June 11, 2020

Taliyaha Booliska Puntland, Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) oo caawa warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in shaqadii laga joojiyey taliye ku xigeenka qaybta booliska gobolka karkaar Jaamac Cismaan iyo taliyaha saldhiga Qardho Cumar Hiirad Kaatun.

Shaqo ka joojinta sarkiishan ayaa la xiriirta muuqaal baraha bulshada lagu faafiyey oo laga duubay labadan taliye iyo ciidamo ay wateen oo hanjabaad iyo bahdil u geysanaya koox dhalinyaro ah oo ku sugan duleedka magaalada Qardho.

Taliye Cabdi Yare, oo raaligelin Ka bixiyey dhacdadaas ayaa sheegay inay guddi baarayaal ah oo uu hogaaminayo taliye ku xigeenka Booliska Puntland usoo direen Qardho, kadibna ay go’aan ku gaareen inay shaqada ka joojiyaan labadaas sarkaal.


Aniga oo magacayga iyo magaca booliska Puntland ku hadlaya inaan cudurdaar ka bixiyo arrintii boolisku ku kacay Qardho xili habeennimo ah” ayuu yiri; taliye Cabdi Yare.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *