Dowlada Federaalka oo Madoobe u Aqoonsantay Madaweynaha Jubaland

Published: June 14, 2020

Qoraal ka soo baxay madaxtooyadda dowladda Federaalka ee Somaliya ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay u aqoonsatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe madaxweyne ku meel gaar ah muddo labo sanno ah.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in muddo xileedka labada sanno ah ay ka bilaabanayso xiligii uu dhammaaday muddo xileedkiisii u dambeeyay, sidoo kale dowladda Federaalku waxay ugu baaqday madaxweynaha Jubbaland inuu fidiyo gogol nabadeed oo ay isugu imaanayaan dhammaan dadkii ku kala irdhoobay khilaafka ka dhashay doorashadii Jubaland si dib loogu yagleelo Jubaland mideysan, ayna ka dhacdo doorasho waafaqsan Dastuurka Jubaland iyo Dastuurka Federaalka.

Qoraalkan ayaa sidoo lagu sheegay in dowladda Federaalku aamisan tahay natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinkii Jubaland ee hareer marsanaa habraacyada saxda ah ee ay dejisay Wasaaradda, kana hor imaanayay Dastuurka Jubaland iyo Dastuurka Federaalka .

Dowladda federaalku waxay kaloo sheegtay inay ka xuntahay faragelinta qaawan ee Kenya ee arrimaha doorashooyinka Jubaland taasoo dooneyso in ay cadaadis siyaasadeed uga dhigto Dawladda Federaalka Soomaaliya si ay danaheeda uga gaarto qadiyadaha lagu muransan yahay ee dhex yaalla labada wadan gaar ahaan dacwada badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale, dowladda Federaalku waxay qoraalka ku sheegtay inay tixgelisay mawqifkii caddaa ee Beesha Caalamka ee ku aaddanaa in ay lagama maarmaan tahay in ay dhacdo doorasho la isku raacsanyahay, la isku halleyn karo, haysata taageerada dadka Jubalanad oo dhan, horseedi karta midnimada bulshada Jubaland, laguna duray sax ahaanshaha doorashadii dhacday;

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam weli kama hadlin qoraalka ka soo baxay villasomalia ee muddo labada Sanno ah loogu aqoonsaday madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Jubbaland.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *