Farmaajo oo Aqbalay in Wadatashi Laga Yeesho doorashooyinka dalka, Casuumadna u Fidiyay Maamul Goboleedyada

Published: June 14, 2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan Shirka Golaha Amniga Qaranka u fidinaya Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa ku saabsan sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa geeddi socodka doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, waxaa jira shir hordhac ah oo ku qabsoomaya aaladda la iska arki karo kaasoo lagu qiimeynayo dadaallada wadajirka ah ee haatan socda ee lagula dagaallamayo cudurka Coronovirus, sidii loo sii xoojin lahaa ka hortaggiisa iyo culeyska dhaqaale ee ka dhashay .

“Jadwalka uu ku qabsoomayo Shirka Amniga Qaranka waxaa ka shaqeynaya guddiyo farsamo oo ka kooban dhammaan dhinacyada kasoo qeybgalaya si loo sii amba qaado wadatashiyada arrimaha masiiriga ah ee dalka iyo xoojinta wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah” Sidaas waxaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Villa Somalia

“Madaxtooyada JFS waxa ay adkaynaysaa muhiimadda shirkan, maadaama uu dhammeystir u yahay guulaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay wadajirka u xaqiijiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna shirku jihaynayaa hannaanka dimuqraadiyeed ee dalkeena”

Qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada, Guddoomiyaha aqalka sare iyo wadamada saaxiibka la ah Somalia ayaa ku baaqay in shir ay isugu yimaadaan madaxda federaalka iyo kuwo dowlad goboleedyada si looga hadlo arrimaha doorashada ee 2020/2021

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *