Madaxweynaha Somaliland oo Gaadhay Jabuuti

Published: June 14, 2020

Wefti ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi saaka ka ambo baxay caasimadda e Hargeysa, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Jabuuti.

Madaxweynuhu waxa gegida diyaaradaha kusoo dhaweeyey ra’iisal wasaaraha dalka Jabuuti, Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo ay wehelinayaan wasiirrada arrimaha dibadda, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo Beeraaha, Biyaha iyo Xanaanada Xoolaha, Mudane Maxamed Muuse Cawaale (Maxamed Soomaali) iyo Safiirka Somaliland ee Jabuuti Amb Cabdifataax Siciid Axmed.

Madaxweynaha Somaliland ayaa magaaladda Jabuuti uga qaybgalaya wadahadalo uu la yeelanayo madaxweynaha dowladda federaalka Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefti uu hogaaminayo. wadahadaladan oo uu martigaliyay. madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele waxaa ka qaybgalaya Ra’isul wasaaraha Itoobiya abiy Axmed, Safaarada Maraykanka, wakiillo ka kala socda urur goboleedka IGAD, Midowga Africa iyo Midowga Yurub.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *