Shirkii Jabuuti ee DFS iyo Somaliland oo furmay

Published: June 14, 2020

Waxaa magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti si rasmi ah uga furmey wada hadal u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Somaliland oo iyadu iskeed isugu magacaabtey Jamhuuriyad madaxbanaan.

Shirka maanta waxaa ka soo qaybgalay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Rayslawasaare Xassan Cali Kheyre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, dhanka Somaliland waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Adam, Waxaa ku weheliyey Afar wasiir, waxaase wefdiga aan kamid ahayn guddoomiyaha Baarlamaanka somaliland baashe Maxamuud.

Shirka waxaa soo qaban qaabiyey Safaaradda Maraykanka ee soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti.

Waxaa labada dhinac dhex dhexaadinaayey, Madaxweynaha Jambuuti ismaaciil Cumar Geele iyo raysalwasaare Abiy Ahmed, waxaa shirka goobjoog ah diblomaasiyiin ka socda caalami ah

Waa markii u horeysey oo si rasmi ah labada dhinac isu soo horfariistaan tan iyo markii la doortey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ajandaha shirka ayaan weli la helin, waxaana la aaminsan yahay in shirkan lagu furi doono arrimo masiiri ah iyo kuwo kale. Somaliland oo muddo dheer dunida ula dhaqmeysey si madaxbanaan, ayaa muddooyinkii danbe caqabad soo food saartey, kadib markii xiriirka Madaxweyne Farmaajo iyo dalka Itoobiya uu noqdey mid ka wanaagsan kuwii hore.

Waxaa la is weydiinayaa in shirkan lagu soo hadal qaadi doono, Doorashooynka Dalka ka dhacaya iyo Somaliland waxay ka yeelayso, Dhanka Somaliland waxay miiska keeni doonta in Dowladda Federaalka ah u madaxbanayso xiriirka ay la sameyso dalalka caalamka, barnaamijyada hormarinta iyo weliba sidii loogu aqoonsan lahaa dal madaxbanaan, tan ugu danbeysa ayaa ah mid Dowladda federaalka ah ay go’aan ka gaari karto.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *