Xukuumada Yemen oo Sheegtay in Xoogaga Koonfurta Yemen ay Ka Baxeen Heshiiskii Riyaad

Published: June 14, 2020

Dowladda Yemen ayaa ku dhawaaqday in xoogaga gooni goosadka koonfurta Yemen ay ka baxeen heshiiskii Riyaad ee ay la galeen xukuumadda sharciga ah ee Yemen.

Wasiirka arrimaha dibada ee dowladda Yemen Maxamed Al-Xadrami ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka wuxuu ku sheegay in xoogaga koonfurta ee Imaraadku taageero ay xoog kula wareegeen baabuur siday lacag uu lahaa bangiga dhexe ee dowladda ee Magaaladda Cadan.

wuxuu sheegay in maleeshiyaad raacsan xoogaga koonfurta yemen ee STC ay u dhaqmeen sidii burcadii ka dib markii ay la wareegeen lacag loo waday bangiga dowladda ee Caasimadda Ku Meel gaadhka ah ee Cadan.

” Xadgudbayada noocan oo kale ahi waxay xadgudub ku yihiin heshiiskii Riyad, beesha caalamku waa inay aqbalaan in xoogaga koonfurta Yemen ay yihiin jabhad lumisay dhammaan wixii sharciyad ay lahaayeen” sidaas waxaa yiri Al-xadrami

Xoogaga Koonfurta Yemen ayaa taageero ka hela Imaaraatiga, waxayna horey gacanta ugu dhigeen magaalada Cadan iyo Madaxtooyada Kumeel gaarka ahayd ee Madaxweyne Haddi bishii Agoosto ee sanadkii hore, waxaase dagaalkaasi u dhaxeeyey dowlada Yemen iyo Xulafadooda Koonfurta lagu xaliyey heshiis ay bishii November kuwada saxiixeen magaalada Riyadh.

Xoogaga Koonfurta Yemen ayaa hore ugu dhawaaqay Madax-banaani iyo ismaamul u gaar ah, hase yeeshee waxaa arrintaasi diiday Boqortooyada Sucuudiga oo hoggaaminayso xulufada dagaalka kula jirta koxoda Xuutiyiinta ee gacanta ku haysa Caasimadda Sanca iyo inta badan waqooyiga wadanka Yemen

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *