Anisa Haji Mumin Oo Jago Looga Magacaabay Gobolka Minnesota

Published: June 15, 2020

Wasiirkii hore ee haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland, Anisa Xaaji Muumin ayaa loo magacaabay Kaaliyaha Kommishanka socdaalka iyo qaxootiga gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.


Anisa, ayaa dowladii madaxweyne Cabdiweli Gaas kasoo noqotay wasiirkii haweenka Puntland, iyadoona xilkaasi haysay 2014 ilaa 2017, kadibna waxay xilkeeda ku weyday isku shaandhayn lagu sameeyey golaha wasiiradda iyadoo wixii intaasi ka dambeeyey dib ugu noqotay dalka maraykanka oo ay markii horeba ka timid.


Magacaabida Anisa ayaa kusoo beegmaysa xili gobolka Minnesota iyo guud ahaan maraykanka uu ka socdo mudaaharaadyo looga soo horjeedo takoorka dadka madow kadib markii magaalada minneapolis ay ciidamada boolisku ku dileen nin madow oo lagu magacaabo (George Floyd).

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Masha allah anisa haji muumin waxaan leenahay hambalyo waayo waa qof hawlkar ah ka adag shaqadeeda waxaan ku xasuusanaa waa masuulkii wasiir ah isku soo maray 9 gobol ee budlaandi waan wada xasuusannaa shaqada wasiirnimo markii laga qaadayey shaqo xumo loogama qaadin ee waxaa ka qaaday qabiilka ay ka dhalatay ee siwaaqroon dib u jaleeca wax qabadkeedii iyo qudbadaheedii waqtigii ay masuulka ahayd waxaan u rajeeyneeynaa waqti wacan iyo nolol mustaqbal wanaagsan..