Jubbaland Oo Ka Jawaab celisey Aqoonsigii DFS

Published: June 15, 2020
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland

War saxaafadeed kasoo baxay dowlada goboleedka Jubbaland ayaa lagu qaadacay aqoonsigii kumeelgaarka ahaa ee dowlada federaalka Soomaaliya ay labada sanno muddo xileedkiisa uga dhigtay madaxweyne Axmed Madoobe.

Jubbaland ayaa sheegtay in aanay jirin cid go’aan ka gaari karta muddo xileedka iyo doorashooyinka Jubbaland, si aan waafaqsaneyn dastuurka dalka, isla markaana muddo xileedka hay’addaha la doorto ee jubbaland uu yahay 4 sanno.


War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay inay jubbaland diyaar u tahay si buuxdana uga qayb qaadanayso dadaalada loogu jiro sidii go’aan midaysan looga gaari lahaa arrimaha doorashooyinka.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *