Maxaa Looga Hadlay Furintaanta Kalfadhiga 46aad Ee Baarlamaanka Puntland ?

Published: June 15, 2020

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15/June/2020 ka furmay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland kalfadhigii 46aad ee Golaha Wakiilada Puntland, kaas oo ay fadhigiisa soo xaadireen 50 xildhibaan halka ay 16 xildhibaan golaha farax uga maqnaayeen.


Kalfadhiga 46aad ee baarlamaanka Puntland ayaa kalfadhiyadii hore uga duwanaa kulanka oo aan lagu casumin madaxda hay’addaha dowlada puntland, Isimada, waxgaradka iyo bulshada qaybaheeda kale, si looga taxadaro faafitaanka fayraska COVID19.

Guddomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa ugu horeyn khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa kaga warbxiyey kormeero iyo booqashooyin ay masuuliyiinta baarlamaanku ku kala bixiyeen qaar kamid ah deegaanada Puntland, deeqo lacageed oo uu goluhu bixiyey, wadahadalada Somaliland iyo DFS ee ka socda Jabuuti, la dagaalanka argagaxisada iyo arrimo kale oo badan.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo furay kalfadhiga ayaa golaha u jeediyey khudbad sodotay nusa saac oo uu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xaalada amni ee Puntland , saamaynta cudurka COVID19, wadahaladda Jabuuti ee Soomaaliland iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya, arrimaha doorashooyinka iyo waxqabadka xukuumadiisa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *