Puntland oo ka hadashey Wadahadalada Somaliland iyo DFS

Published: June 15, 2020
Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdillaahi Deni

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta furay kalfadhiga 46aad ee baarlamaanka Puntland, ayaa golaha u jeediyey khudbad socotay nusa-saac taasoo uu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xaalada amni ee Puntland , saamaynta cudurka COVID19 iyo wadahaladda Jabuuti ee Soomaaliland iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.


Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in aysan ku qanci doonin natiija kasta oo kasoo baxda shirka jabuuti, maadama aan shirkaas lagu casumin Puntland.


“Waxaan cadaynaynaa in aannan marna ogalaan doonin natiijada kasoo baxda wadahadal kasta oo lala galayo maamulka Soomaliland ee Puntland aysan qayb ka ahayn, Puntland waxaa kala dhexeeya maamulka Soomaaliland khilaaf dhuleed taaso u baahan in aan ka gaarno xal waara, si looga fogaado colaad jiitanta oo dhiig badan ku daato ” ayuu yiri; Madaxweyne Deni.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada PL, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil


Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa ku eedeeyey madaxweyne farmaajo inuu jabiyey dastuurka dalka.

waxaan dawladda Federaalka Soomaaliya, IGAD, African Union (AU), USA, UK European Union(EU), Jaamacadda Carabta iyo dhammaan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya la wadaagaynaa in shirkaas looga hadlayo arrimaha masiiraga ah ee Soomaaliya oo Puntland iyo dadka ka soo Jeeda Gobollada Sanaag, Sool iyo Cayn aanay qayb ka ahayn aqbalina doonin go’aamada ka soo baxa shirkaas. Sidaas daraadeed waxaa nasiib darro ah in Madaxweynaha DFS uu si cad ugu xad gudbey Dastuurkii lagu doortay ee ay ahayd in uu ilaaliyo ayuu yiri; Guddoomiye Cabdirashiid.

Puntland iyo Soomaaliland ayaa muddo dheer ku muransan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *