War-murtiyeed Laga Soo Saaray Wadahadalada Shirkii Jabuuti ee Dowladda Federaalka iyo Somaliland

Published: June 15, 2020

Shirkii heerka sare ahaa ee wadahadalada dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland oo ka qabsoomay dalka Jabuuti ayaa waxaa laga soo saaray War-murtiyeed.

Shirkan oo uu garwadeen ka ahaa Safiirka Maraykanka ee Somaliya, Donald Yamamata, islamarkaana uu martigalinayay madaxweynaha Jabuuti ismaaciil Cumar Geele, waxaa ka qaybgalay Ra;isul wasaaraha Itoobiya Abi Ahmed.

Shirka ayaa waxaa khudbad kulul ka jeediyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaa sidoo kale khudbado culus ka jeediyay madaxweynaha dowladda federaalka iyo madaxweynaha Jabuuti ee ismaaciil Cumar Geele.

War-murtiyeedka ka soo baxay shirka ayaa labada dhinac isu afgarteen in guddiyo farsamo ay sii wadaan wadahadalada.

 Hogaamiyayaashu waxay aqoonsadeen kaalinta muhiimka ee Jamhuuriyadda Djibouti kaga jirto nabadaynta Gobolka Geeska Afrika.

 Waxa la isla gartay in muddadii ka horaysay shirkan taariikhiga ah ay dhaceen dhawr wareeg oo wada-hadallo ah balse aan midho dhalin.

 Madaxweynaha Dowladda federaalka Somaliya iyo Madaxweynaha Soomaaliland waxay isla garteen in guddi farsamo oo ka kooban labada wefti ay dib u bilaabaan wada-hadalladii labada dhinac, sidoo kale ay daba-galaan heshiisyadii iyo arrimihii hore loogu heshiiyey ee aan fulin.

 Waxa ay labada dhinac ku heshiiyeen in aan la siyaasadayn gar-gaarka dhinaca horumarka iyo maal-geshiga.

 Shirku waxa uu soo jeedinayaa in Djibouti noqoto goobta Shirarka Farsamo ka qabsoomayaan.

 Waxa la isla gartay in muhiimadda u saraysa ay leedahay danaha labada shacab ay ahaato xuddunta wada hadallada labada dhinac.

 Shirku waxa uu ku boorinayaa dhammaan ururada gobolka, qaaradda iyo caalamkaba in ay isugu geeyaan taageeradooda wada hadalladan.

War-murtiyeedkan waxa ku saxeexan Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Djibouti, 14 June 2020.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. War murtiyeedkan kor ku qoran wuu qaldan yahay, waxaa lagu heshiyey 2 qodob oo keliya kuwaas oo kala ah,
    1- in gudi hosaad la sameeyo.
    2- in Djibouti noqoto meesha ay ku kulmi donaan.

    War murtiyeedkan kor ku qoran wuxuu soo baxay iyadoon dawlada federalka ah waxba laga weydiin hadaad u fiirsatana waxaa la raacshey waraaq 2 aad oo been abuur ah oo ay ku qoran yihiin Ereyo ay ka mid ahayeen (labada dal) iyo ( labada shacab) kaas oo keentay in Villa somaliya ka biyo diido.

    Inaga arigtideeda waxaa shalay ii cadatay inaan maamulka gobolka waqooyi galbeed wada hadal diyaar u aheyn waxaana sabab u ah dawlada imaraadka, anigoo ka soo jeeda degaankasna wax ka sokeeya midnimada iyo wadajirka umada somaliyeedna ma aqbalaayo.

    Ta kale dad dana gaar leh baa intaa cambareeya dawlada federalka waxaana isweydiin mudan in kuwaas la weydiyo war aragnay wanaaga dawlad hufani leedahaye adigu ama idinku maxaad u qabateen dadka iyo dalka.