Mali: Asakar Badan oo lagu Dilay Weerar Lagu Qaaday Kolonyo Baabuur ah

Published: June 16, 2020

Ugu Yaraan 24 askari ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerar lagu qaaday Kolonyo baabuur bartamaha wadanka Mali

Ciidamadu waxay sheegeen inay helaan 8 askari oo ka badbaaday weerarkaas oo ka dhacay degaan 100km u jira xuduuda wadankaasi uu la wadaago wadanka Muritaaniya maalintii Sabtidii ee toddobaadkan.

Saraakiisha ciidamadu waxay sheegeen in tiro kale oo askar ah la laayahay, sidoo kale waxay sheegeen in Kolonyada baabuurta ee la weeraray ay ka koobnaayeen 8 baabuur oo 4 ka mid ah la gubay.

Ma jirto koox sheegatay inay ka dambeeyeen weerarka gaadmada ah ee lagu qaaday ciidamada. Ilaa Sanadkii 2012kii waxaa wadanka Mali qaybtiisa waqooyi ka dhacayay qaraxyo iyo weeraro ay gaysanayaan kooxo islaamiyiin ah oo xiriir la lahaa ururka Alqaacida

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *