Kenya Iyo Jabuuti Oo Maanta Ku Tartamaya Kuriga Joogtada ee Golaha Ammaanka

Published: June 17, 2020

Dowladaha Kenya iyo Jabuuti ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay ku tartami doonaan Kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, kaasi oo la wada sugayo Natiijada kasoo bixi doonta.

Codka ayaa waxaa uu qorshahu yahay inay dhiibtaan 15 waddan oo kamid ah Golaha Ammaanka Qaramada, iyadoona Kenya iyo Jabuuti midka kusoo baxa Codeynta uu kursigaas muhiimka heyn doono mudada labada sano ee soo socota 2021-2022.

Natiijada codeynta ayaa soo bixi doonta 7:30 fiidnimo caawa ee saacada geeska Africa.

Guusha Kursi

Kursigan ayaa sidoo kale waxa u tartamaya dalal kale oo ay kamid yihiin: India, Mexico, Canada, Ireland iyo Norway , si loogu guuleysto kursiga waa in waddanka uu hela 3-dex meelood 2-ba meel codadka ay bixinayaan wadamada xubnaha ka ah QM ee codeyn kara.

Djibouti waxa ay haysata fursado badan oo ay ku hanan karto kursigan, waxa dalkeeda fariisin Military ku leh 4 kamida dalalka uga awooda leh dunida sida Mareykanka, Shiinaha, Franciska, Iyo Ingiriiska, waana fursad saacidi karto.

Kenya ayaa iyadana ku doodaysa in ay uga cad-cadahay tartanka marka loo eego Djibouti iyo dalalka kale kula loolamaya ayna haysato taageerada ururka midowga Africa ayna sameysay gallaangal diblomasi, balse la arki doone cida guusha raacdo caawo haddii uu Eeba idmo.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *