Wadahadalka Jabuuti: Guusha Somaliland iyo Tanaasulka Villa Soomaliya – Faallo

Waxaa dhawaan lagu wadaa in lasoo bandhigo natiijada wadahadalada hoose ee magaalada Jabuuti uga socda Guddiyada matalaya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee looga hadlayo qodobada masiiriga ah.

Tanaasulka Villa Soomaaliya

Dowlada Federaalka Soomaaliya gaar ahaan xafiiska Madaxweynaha (Villa Soomaliya) oo lahaa fikirka ugu weyn in xiligan wadahadalada ka dhacaan dalka Jabuuti ayaa horey u sameeyey tanaasulaad dhowr ah oo ay doonayeen inay u fududeyso dhinaca Somaliland inay shirkan kasoo qeyb galaan si mugleh.

Tanaasulaadkii ugu horeeyey intaanba shirka bilaaban ay Villa Soomaaliya sameysay ayaa waxaa ugu waaweynaa in ay ogolaatay, wixii ay horey diidi jireen dowladihii hore ee Federaalka oo ay kamid ahaayeen:


1- In wadahadalka u dhaxeeyo Soomaaliya oo dhinac ah iyo Somaliland oo gaar ka ah, Wadahadalada Somaliya iyo Somaliland, waa eray bixin ka yimid Hargeysa oo la doonayo in laga dhigo in uu wadahadalka u dhaxeeyo laba dal iyo laba Shacab sida lagu qoray warsaxaafadeedkii kasoo baxay dowlada Jabuuti maalintii 1aad ee wadahadalka. Ahmiyada qodobkan oo ay Somaliland ka lahayd arrintan ayaa ah mida ay mar walba ku saleyso gooni-u-goosadka oo ay sharciyad uga dhigto in Somaliland-ta maanta ay lamid tahay middii British-Somaliland ee la middowday Italian Somaliland, sidaana loogu wadahadlo labo garab oo siman.

Arrintan oo meesha ka saareysa marxalada dhabta ah ee burburkii Qarankii Soomaaliya ee salka ku hayey Qabaa’ilkii dagaalamay ee aan weli la heshiinsiin iyo dooda ka taagan gobalada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle (Cayn),

Qodobkan ayaa usii gogol-xaarayey qodobka 2aad ee Villa Soomaaliya ka tanaasushay!

2- Qodobka labaad oo ay Somaliland xujo mar walba uga dhigi jirtay wadahadalka ayaa ahaa in Xubno ka socda Waqooyiga Soomaaliya aysan kamid noqon guddiyada ka socda dhinaca Dowlada Federaalka. Codsigan ama xujadan ayaa ahayd mid ay horey usoo diideen dowladihii hore ee Federaalka Soomaaliya, waxaana la wada xasuustaa go’aankii adkaa ee Wasiir Odowaa ka istaagey wada hadalkii Istanbul.

Qaar kamid ah siyaasiyiin kasoo shaqeeyey wadahadaladii horey uga dhacay London, Turkey iyo Jabuuti ee dowladihii hore ayaa sheegaya in qodobkan uu mar walba caqabad ku ahaa kulamadaa.

Dowlada Federaalka ayaa horey u diidi jirtay in Somaliland ay u yeeriso cida mataleysa wafuuda Federaalka, isla markaana Dowlada Federaalka ay magacaabi karto cidii ay doonto oo ugu metela kulamadan maadaama ay metasho dhamaan Qaranka Soomaaliya iyo Soomaalida ay dowlada u tahay.

Xukuumada Farmaajo tanaasulka ay ka sameysay qodobkan ayaa la oron karaa wuxuu meesha ka saaray codkii dhamaan shacabka Waqooyiga Soomaaliya degan ee aaminsan Qadiyada Midnimada Soomaaliya iyo Waliba Mas’uuliyiinta Waqooyi ee xilalka ka haya Federaalka, waana tanaasul weyn oo aan la ogeyn waxay ku bedalatay!

Labadaas qodob oo uu Madaxweyne Farmaajo ka tanaasulay kahor intaan shirka bilaaban ayaa noqonaya kuwo taariikhi ah oo keeni kara fal-celin ka timaada shacabka codkooda wadahadalka ka maqan-yahay.

Guddiyada iyo kulamada hoose

Waxaa hada meel xasaasi ah maraya wadahadalka u socda guddiyada ay labada dhinac soo magacaabeen.

Xogta horudhaca ah oo ay Horseed Media helayso ayaa sheegaya in dhawr qodob oo muhiim ah lagu wada-heshiiyey, halka qodobo dhowr ahna aan weli meel la isla dhigin.

Qodobada la sheegay in lagu heshiiyey ayaa “intooda badan” guulo u ah dhinaca Somaliland, oo markasta ku dooda in la fuliyo heshiisyadii hore loo gaarey sida kii hawada, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Waxaa ka mid ah qodobada ilaa hadda la isla gartey:

  1. Isu socodka aan la siyaasadeyn oo cidkasta ama xil ha hayso ama yeysan hayn ay tegi karaan meesha ay doonaan.
  2. In laga wada shaqeeyo dhamaystirka hannaanka deyn cafinta, Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda federaalka iyo Somaliland si toos ah uga wada shaqeeyaan.

Labadan qodob ayaa ah kuwo la isla gartey kuwa weli muranku ka taagan yahay ayaa ah oo ah dalabka Somaliland

  1. Deeqda Caalamiga ah in Somailand ay hesho 30%
  2. Deeqda waxabarashada, tan Milteriga iyo deeq kasta oo magaca Soomaaliya lagu bixiyo in Somaliland ku leedahay qoondo gaar ah
  3. In Hargeysa loo soo wareejiyo maamulka hawada ee Soomaaliya oo halkaas laga maamulo.
  4. In Somaliland hesho Status ama derajo u dhaw madaxbanaani.
  5. Muddo 10 sano ah gudaheedna la qaado afti dadweyne in ay ka go’aan dalka intiisa kale.

Dhanka Dowladda federaalka ah, ayaa u muuqata hasha labada geed jecel, waxay dooneysaa in wadahadalkan ay ka dhalato wax si toos ah wax uga beddeli kara doorashooyinka 2021, waana sababta keentey in ay wax badan ka tanaasulaan, taas oo si toos ah u taabeneysa masiirka dalka iyo bulshooyin badan ee ku dhaqan gobolada Waqooyi, waxaana kamid ah qodobada ugu muhimsan ee ay ku doodayaan.

  1. In Somaliland ka tanasusho gooni u istaaga
  2. In ay qayb ka noqoto doorashooyinka soo socda, ugu yaraana lagu soo doorto Xildhibaanada isla deegaanadaas.

Labadan qodob ayaa ah kuwo aad u adag oo burbur heshiiska ku keeni kara.

Ergada Dowladda federaalku ma soo hadal qaadin dhibaatada lagu hayo dadka shacabka ah ee dhulka Somaliland ka taliso ee taageersan midnimada, qaar badan ayaa xabsiyada ugu jira maro ay xirteen, kuwo kalena fikirkooda ayaa loo xiraa, haddii laga hadlaayo midnimada waa in qofkastaa (Muwaadinkasta) xor u yahay fikirkiisa, taas ayaana keeni karta in bulshada la ogaado waxay doonayaan.

Maxamed Cismaan
Horseed Media