Shirka Djibouti – Soomaaliland miyey guulaystay mise way guuldarraysatay?

Inkasta oo uu shirkii Djibouti xaalado iyo qodobbo adag ka gudbay oo la isla qaatay markii hore, haddana haddii sidan hadda wax loo sheegayaa ay dhabtahay oo qodobkaa wefdiga Soomaaliland ka fuqi waayeen ay wixii hore loogu heshiiyey oo dhammi u dumeen, haddii ay sidaa tahay, run ahaantii waxa ay Soomaaliland lumisay mustaqbal weyn oo ay kaga bixi lahayd handaraabkan laba jirsaday ee Covidna u raacay, waxaana ay mar kale hakisay dib u curashada dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee suuqa.
Waxa la heli lahaa shaqo abuur ka dhalata mashaariicdii lagu heshiiyey, waxaana laga bixi lahaa kuududkan dhaqaale ee dhulyaalka ah.

Nasiibdarro haddii sidaa lagu kala tago shirka, Soomaaliland ma guulaysan ee way sii kuududsatay.

Asalkeedaba wadahadalka waxa loo galaa in aad waxna waydo waxna hesho, isuna dheellitirto waxa aad ka tanaasulayso iyo waxa aad ku helayso, suuraggalna ma aha in aad marka horeba gasho wadahadal ku-talagalkaagu yahay keliya in aad adigu guulaysato cidda kalena ay khasaarto.

Dhammaan qodobbada hore loogu heshiiyey sida la sheegay ee dhinaca Soomaaliland loo oggolaaday waxa ay ahaayeen kuwo manfac-dhaqaale oo weyn leh, halka qodobbada ay Soomaaliya doonaysay in loo aqbalaa ay ahaayeen kuwo xoojinaya midaynta awooddeeda dawladeed ee debedda.

Waxa kale oo shirka gaar ahaan dhinaca Soomaaliland ka muuqday deganaansho la’aan, waxa aynnu ogayn in maalintii koowaadba uu qayladhaan ina soo gaadhsiiyey Xild. Saleebaan, ka dibna uu Wasiir Faratoon ka daba hadlay oo saxay warka Xildhibaanka, xalay ayaynnu haddana maqallay dhawaqa wasiir S. Sulub, oo sheegaya in shirkii lagu kala cararay, iyana ay soo baxayaan oo aanay waxba isugu laabnayn (We come home), haddana qaybta danbe ee hadalkiisa ayuu ku sheegay in ay dawladdii shirka marti gelisay warkeeda dhawrayaan, iyana waynnu aragnay oo nimankii mar kale ayaa la isku soo celiyey, oo la sheegay in ay isfaham iyo qorshe hawleed kala saxeexdeen!

In codka cabashada iyo belaayo sheegga ahi uu intaas oo jeer ka soo baxo wefdiga Soomaaliland, waxa ay muujinaysaa, nafsiyadda ay shirka kaga qayb galeen oo runtii qabta cabsi dadweyne oo u baahan in marba dareenkoodu dhanka uu u jeedo loo raaco, hore waxa aan idiinla wadaagay in dhawaqyada noocan ahi ay inta badan yihiin kuwo caaddifadda dadka lagu maareynayo, ee aanay ka tarjumaynin waxa qolalka xidhan ka socda.

Ugu danbeyn qodobbada uu sheegay Wasiirka Arrimaha Debedda ee Djibouti in lagu heshiiyey, waa hawlo la qabandoono mustaqbalka, kamana tarjumayaan dhammaan qodobbadii laga dooday ee intooda badan la isla qaatay, kuwaasoo aynnaan hubin in ugu danbeyntii qalinka lagu duugay iyo in ay meesha ka baxeen markii kii ugu danbeeyey la isku diiday!

Midse xaqiiqadiisa ogaada marnaba natiijada shirku kuma koobna inta iclaamka loogu talagalay ee bulshada loo sheegay.
Su’aashu waxa ay tahay fashilka miyaa loo dabbaal degaa, Soomaaliland sow shirka uma ay gelin in ay wax ka faa’iiddo, haddii ay faa’iidadii wayday, ma guulbay joogtaa mise guuldarro, ma waxa culayska intaas le’eg loo bixiyey in la gaadho guuldarro oo haddana loo xafladeeyo, halkaa caqliga iyo halbeegga guusha ee lagu dhisay bal ha la iga dabageeyo akhyaareey.

Mise tolow ujeeddadu waxa weeye waxa aannu ku guulaysannay in aannu diidno wixii cidda kale doonaysay, xafladayntuna waa asturaadda fashilka iyo is adkaynta raggannimada?

W/Q: Dr-Abdulqani Beder

HORSEEDMEDIA