Madaxweyne Farmaajo Iyo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Oo Kulmay

Published: June 19, 2020

Madaxweynaha Dowlada Fedeaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Axmed Shide oo shalay booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, isagoo wadey deeq dawo ah oo ay dowlada Itoobiya ugu talagashay Soomaaliya si loogaga hortaggo xanuunka safmarka ee Coronavirus.

Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiir Axmed Shide ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal, hindisaha is dhex galka Geeska Afrika, isku xirka kaabayaasha dhaqaalaha iyo heshiiska wadajirka ah ee Iskaashiga Amniga labada dal.

Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Amb. Jamaaludin Mustafa ayaa qoraal kooban oo bartiisa Twitter-ka soo geliyay ayuu ku sheegay in kulankan uu ahaa mid aad ugu wanaagsan xiriirka labada dal, iyo inuu ahaa wada hadal miro dhal ah oo dhinacyo badan taabanayay, sidoo kalena agabka loogu tala galay ka hortagga Covid-19 ee ay dowladda Itoobiya ku deeqday uu marqaati u yahay xiriirka wanaagsan ee soo koraya ee ka dhaxeeya labada dal.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *