Dowlada Soomaaliya oo Ugu Hambalyeysay Kenya Guusha kursiga Golaha ammaanka QM

Published: June 19, 2020

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ugu hambalyeeyey dowlada Kenya kursiga aan joogtada ahayn ee golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, Isagoo sheegay inuu rajeynayo Kenya inay si buuxdo u matali doonto arrimaha Gobolka geeska Afrika iyo qaddiyadaha la xiriira.

“Aniga oo ku hadlaya magaca dadka iyo dowladda Soomaaliyeedba waxaan halkaan ugu hambalyeeynayaa jamhuuriyadda Kenya oo ku guuleysatay kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka, anigoo hubo in Kenya ay arrimaha gobolka si fiican ugu matali doonto kursigaas Ayaan leeyahay Hambalyo” ayuu wasiir Cawad.

https://twitter.com/MinisterMOFA/status/1273706892464963586?s=20

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *